Ma dhici kartaa Muqdisho in ay ku dhacdo Gacanta Shabaab?

Shabaab si weyn ayay waayaahan udiyaar garoobayeen,waxayna wadeen abaabul xoog badan.

Gobolka Sh/Dhexe ayay soo saareen Culays.

Sidoo kale,waxay qorshaysteen in ay la wareegaan marka hore Buundooyinka Sh/Hoose sida Janaale, Awdhiigle,Sabiid & Caanoole.

Alshabaab,waxay Maamulaan Deegaamo muhiim ah oo kala ah…

1. Ceel Cali Axmed.
2. Cali Fooldheere.
3. Cadaan Laxeey.
4. Ceel Baraf.
5. Ceel Saleebaan.
6. Ruun Nirgood.
7. Daarunimca.

Halka Ciidamada DFS ay Maamulaan Alkowsar oo kaliya.

Maanta,waxaa Dagaal ka dhacay Bacaad-weyn oo Ururka 9-aad ee Guutada 18-aad Ciidanka DFS ay ku Qaadeen weerar Alshabaab,waana ku guulaysteen hawlgalkaas.

Weerarkaas,waxa uu ahaa mid kadis ah oo lagu gaaday Shabaab.

Sidoo kale,waxaa Dagaal ka qarxay Tuulada War Ciise oo hoos Tagta Degmada Biyo Cado,waxaana dagaalkaas ku awood roonaaday Shabaab,iyadoo Duqayn lagu caawiyay Ciidanka.

Hadii Labada Shabelle ay culeyska ku sii xoojiyaan Shabaab,waxay furan karaan Wado ay Xamar weeraro qorsheysan uga fuliyaan,waxaana jirta xogo muhiim ah oo sheegaya in ay jirto koox udiyaarsan weerar qorsheysan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading