Ma kula tartami karaa Shiinuhu R.Galbeedka Somaliya?

$28-Milyan ayay Shiinuhu ugu talagaleen Somaliya in ay ku taageeraan.

Halka Reer Galbeedku ay bixinayaan kharashka hawlgalka cusub ee 2025 Ciidamada ka qaybagalaya ee gaaraya 12-ka kun ee Askari wax kalaba marka layska daayo.

Sidoo kale Maraykanka oo kaliya,ayaa Sanadkii geliya Somaliya Dhaqaale gaaraya ku dahwaad Nus Bilyan Dolar.

Deeqaha Gargaar iyo Amni ee Maraykanku Somaliya Sanad walba ku bixiyo,waa…..

1.$150-Million US AID
2.$135-Million Security Support.

Wadarta Guud Sanadkii,waa $300-Million.

Halka Shiinuhu $28-Milyan shaaciyay in uu ugu talagalay Somaliya 3-da Sano ee soo socota.

Majirto Galbeed Cid uga muhiimsan Somaliya marka waaqiciga jira laga tusaale qaato.

Somaliya,waa mid ka mid goobaha muhiimka ah ee Quwaduhu ku tartamayaan ee Afrika.

Tani,waxay muujinaysaa in Indho yartu aysan lahayn aragti ka baxsan Lacag samayn.

Reer Galbeed kuma qabsan karaan Caalamka balse way kula loolami karaan Ganacsiga.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading