Ma qabsoomaya Shirka Madasha K&B Wadanka?

2-Oct,ayaa qorshaysan in uu furmo Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka,inkastoo Hir-shabelle codsanayso in dib loogu dhigo ilaa 7-Bisha.

4-ta DG ee K&B,waa ka soo wada qeyb galayaan,sababtoo ah,waxaa uga xiran Lacagtii Kabida Miisaaniyada oo Xasan si dadban rahmad ugaga dhigay imaanshaha Shirka.

Qodobada looga wada xaajoonayo layslama meel dhigin oo matalayaal ka socday Axmed Madoobe oo utagay Muqdisho sii diyaarinta Qodobada,waxba uma hirgelin oo Villa-du,way ka war wareegaysaa sii diyaarinta Ajandaha.

Balse,waxaa la filayaa in looga wada hadli doono si guud Shirkaas….

1. Dastuurka
2. ⁠Ansixinta shuruucda Doorashooyinka
3. ⁠Arrimaha Itoobiya
4. ⁠Dagaalka Nabad diidka.

DG,waxay wataan aragti oranaysa (Nala qaado Doorasho Dadban oo aan hada galno).

Xasan,waxa uu wataa Laba Qodob oo kala ah…..

B.Laba Sano ku darsiya qaata oo 2026 gaara.

T.Gala Doorashada oo ku gala Xeerka iyo Gudiga Doorasho ee aan wado,taasoo udhiganta DG-yada xeerarkooda iyo Gudiyadooda Doorasho in la micno tiro.

Dadka la socda arinkan,waxay qabaan DG-yadu in ay qaadan doonaan Labada Sano ee ku darsiga ah.

Xasan,ujeedada uu ka leeyahay ku darsashada aan Sharciyada haysan ee uu ku qalqaalinayo DG-yada iyo Dastuurka uu ku falaadayo,waa in uu macno tiro Sharciga oo isaguna Kursiga iyo Dastuurka sida uu doono ka yeelo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading