Ma waxaa jira qorshe dagaal oo Maamulka Deni ku qaadayo Xerada Ilmo Diyaano?

Waxay xaqiijinayaan Saraakiil muhiim ah oo ka mid ah Ciidamada in aysan jirin wax duulaan ah oo Maamulka Deni ku qaadayo Bosaso.

Dhanka kale,waxaa jira Tusaalooyin la aamini karo oo xoojinaya hadalka Saraakiisha,kuwaasoo ah sii daynta la sii daayay Wiilkii Wariyaha u ahaa Ilmo Diyaano iyo Deni oo Odoyaal utagay uxaqiijiyay in Dhaawaca ay ka dhoofsan karaan Ilmo Diyaano Garoonka oo aan sinaba loogu diidayn.

Saraakiisha,ayaa usheegay Idil News in Diyaar garowga la dareemayo ku salaysan yahay Guluf Buuraha Bari lagu qaadayo kaasoo ka dhan ah argagixisada ku dhuumaalaysata.

“Dhawaan MW iyo Saraakiisha Ciidanka,waxay degi doonaan Talis KMG ah oo laga samaynayo Carmo,kaasoo laga hagayo dagaalka Buuraha lagu qaadayo”Ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha.

Maamulka Deni,ayaa soo saxay ama meesha ka saaray caqabadihii ka jiray Gobollada Nugaal iyo Mudug,waxa uuna usoo jeestay Gobolka Bari iyo caqabadaha ka jira.

Sida muuqata qorshaha dagaalka argagixisada ee Buuraha Bari,waxaa ka xun Xasan Shiikh maadaama uu ku fashilmay isagu dagaalkii argagixisada,waana sababtaas mida uu ucarqaladaynayo hawlgalka,isagoo Gacmo gudaha PL ah adeegsanaya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading