Ma waxuu qorshaynayaa Abiy in uu galo markale caasimadda Tigray?

Militeriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, ayna “ka takhalusaan” xoogagga TPLF, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga, xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas.

Dalka Geeska Afrika ee Itoobiya ayaa muddo ka badan hal sano waxaa ka socday dagaallo, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya gobolka Tigrayga.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ee Fana ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.

“Tigreegu waa qayb ka mid ah Itoobiya, mana jirto awood naga celinaysa in aan galno, waaynu geli doonnaa, cadawgana waanu ka saaraynaa.” ayuu yiri General Abebaw Tadesse.

Waxa uu sheegay inay isku diyaariyeen sidii ay ‘gebi ahaan’ meesha ugu saari lahaayen cududda militari ee TPLF, isagoo intaas raaciyay inaysan la gorgortami doonin.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayay wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintan inaysan u suurta gelin inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo hadalka sarkaalka ciidanka Itoobiya.

Toddobaadkan laba diblomaasi oo Maraykan ah ayaa u duulay Addis Ababa, si ay u riixaan xabbad-joojinta, iyagoo isku dayaya inay dhisaan calaamado muujinaya kalsoonida xiriir dhex mara dhinacyada dagaallamaya, oo ay ku jirto sii deynta maxaabiista siyaasadeed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee (OHCHR) ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee lagu eedeeyay ciidamada Itoobiya inay ka geeysteen gobolka Tigreega.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed uu doonayo in uu soo afjaro nidaamka federaalka ee ku salaysan qowmiyadaha, halka Abiy uu sheegay in TPLF ay dooneyso in ay la wareegto awooddii qaran ee ay hore u haysay.

Reuters


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading