Maalin kale oo lagu kordhiyay Xabad joojinta Qasa

Israel ayaa sheegtay inay oggolaatay in xabbad-joojinta Xamaas lagu kordhiyo ugu yaraan hal maalin oo kale, sida ay ciidamada difaaca Israa’iil ku sheegeen qoraal kusoo baxay bartooda X oo hore u aheyd twitter.

“Iyadoo la eegayo dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu sii wadayo habka lagu sii daayo dadka la afduubay oo loo hoggaansamayo shuruudaha heshiiska, xabbad-joojintu way sii socon doontaa.” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Bayaanka ayaa soo baxay qiyaastii 15 daqiiqo kahor inta aysan dhammaan xabbad-joojintu.

Israa’iil ayaa la sheegay in ay ku qanci wayday liiska la haystayaasha la sii dayn doono ee ay Xamaas soo jeedisay in la kordhiyo.

Xamaas ayaa sheegtay in Israa’iil ay diiday dalabkii ay ku doonaysay in kusii deyn laheyd 7 haween iyo carruur ah iyo meydadka saddex kale oo ay sheegeen in lagu dilay duqeyn ay Israa’iil geysatay.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 10-ka qof ee gacanteeda ku jira ay yihiin dumarka iyo carruurta kaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading