Maalinta la dhamaystiray Dastuurka Dowlada Puntland

Maanta,waa Maalin Taariikhiya oo muhiim u ah Puntland,waana Maalintii uu furmay Shirkii lagu yagleelay PL ee Dastuuriga.

Udiyaargarowgii ama tashigii Shirka Dastuuriga ee Puntland,ayaa loo asteeyay 15-May 1998 in uu Garowe Ka dhaco,waxaana kasoo baxay baaq.

Baaqa,ayaa Beesha caalamka dhaqaale lagu weydiistay looguna Mahadnaqay.

Si lamidna SSDF,waxaa looga mahadnaqay diyaarinta iyo dhaqaale ku bixinta Shirka tashiga 10/3/98 ilaa 12/3/98.

22 December 1997-dii ayay Masar dhigtay wadahadalo Somaliyed wax lagu sheegay,balse lagu heshiisiinayay garabyadii USC.

Waxaa xigay Shirarkii Feb 1998-dii la isku yimi iyo kii Wadatashiga Shirka oo lagu yagleelay Shirka Dastuuriga Puntland ee 15-May furmay kaasoo la soo gabagabeeyay dhamaadkii July,waana halka ay ka timid 1-da August ee loo dabaaldego.

Hawl iyo dhismo wanaagsan

Suldaan Saciid Mohamed Garasse

Guddoomiyha Shir-guddoonka, Garoowe, 12 /3/98.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading