Maamulka Abiy oo Diyaaradaha Drons-ka U isticmaalay Shacabka Amxaarada

Subaxnimadii Oktoobar 14, 2024,Dowladda Itoobiya l,ayaa duqaymo diyaaradeed oo aan duuliyaha lahayn iyo kuwa Qumaatiga u kaca ah ka fulisay meel u dhow amagaalada Bahar Dar, kuwaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa koonfurta Achefere iyo Waqooyiga Mecha ee Gobolka Axmaarada.

Koonfurta Achefere, bambaanooyin laga soo tuuray diyaaradaha qumaatiga u kaca,ayaa lagu weeraray dugsi hoose, kaasoo sababay burbur iyo khasaare soo gaaray dad rayid ah.

Ilo deegaanka ah,ayaa xaqiijiyay in hal cunug uu ku jiro dadka dhaawacmay,intaas waxaa dheer, bambooyinka ayaa lala beegsaday Waddooyin aaggaas laga dhisayay.

Waqooyiga Mecha, duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay waxyeelo ba’an u geysteen Dad beeralay iyo Dadka kale oo rayidka ah.

Goob joogayaal,ayaa ku waramaya in weerarada soo noqnoqday ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay sababeen dhimasho badan, iyadoo burbur xoogan uu soo gaaray iskuulada,Xafiisyada Maamulka,Xarumaha Caafimaadka iyo Guryaha.

Gobolka Amxaarada, oo ay ku jiraan Dega-Damot, Jabi-Tehnan, Ibnat, East Dembiya, iyo Qwara. Duqeymaha ayaa sababay khasaare soo gaaray dad rayid ah, burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay Bilihii Sebtembar iyo Oktoobar,Maamulka Abiy,waxa uu kordhiyay isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo guud ahaan duqaymaha Cirka ee Deegaamada Ismaamulka Qowmiyada Amxaarada.

Dowladda Itoobiya,ayaa diyaarado aan duuliye lahayn kasoo iibsata Wadamada Shiinaha,Iran, Israa’iil, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading