Maamulka Dekeda Garacad oo ka hor yimid heshiis Dekeda Deni ugu wareejin lahaa Imaaraadka

default

Sida aan xogta ku helay Maamulka Dekeda Garacad,ayaa looga yeeray Imaaraadka si ay usaxiixaan heshiis Saami looga siinayo Dekeda Shirkad Dalkaas laga leeyahay.

Balse Maamulkii Dekeda Garacad ee loo yeeray way diideen in ay saxiixaan heshiiskaas,iyagoo shuruud uga dhigay ka hor Saxiixa in Shirkadu tagto Garacad oo ay gayso Qalabkeeda,Isla markaana bilowdo shaqada dhismaha Wadada.

Dadaal badan oo uu sameeyay Deni oo uu xataa lasoo xiriiray Islaan Bashiir way usuuroobi wayday in heshiiskaas ay saxiixaan Maamulkii Dekeda Garacad ee Imaaraadka tagey.

Sababta Maamulka Dekeda Garacad udiideen Saxiixa ee ay Shuruuda ugu xireen,ayaa lagu sheegay in ay shaki iyo kalsooni xumo weyn ka qabaan Imaaraatiyiinta,waxayna aaminsan yihiin in aysan Wado udhisayn ee kaliya ay Dekeda curyaaminayaan.

Heshiiskan haduu hirgeli lahaa Madaxweyne Deni,waxuu ku heli lahaa $15-Milyan oo xuquuqul Qalin ah,Guri weyn oo Qasriya iyo Baabuur Raaxo,sida ay ii xaqiijiyeen Dad xog ogaal ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading