Maamulka Mustafe Ee DDSI oo lagu Eedeeyay in uu sababay Sicirka bararka

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa beenisay dhaliil uga timid qeyb kamid ah mucaaradka oo sheegay in musuq maasuq xooggan uu sabab u yahay sicir bararka taagan.

Guddoomiyaha Xisbiga Xoriyadda & Sinnaanta (FEP), Ibraahim Maxamed Xuseyn (Shiikh Ibraahim Dheere) oo shalay u warramay BBC-da ayaa ku eedeeyay maamulka Jigjiga in gawaari lacag Itoobiyaan ah ay geeyaan Wajaale, taasina ay wax badan u dhintay sarifka dollarka.

Haddaba Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Somalida,Cabdulqaadir Rashiid oo arrintaa ka jawaabaya,ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in dhaqaalo intaa dhan laga musuq-maasuqo Deegaanka.

Xigasho:-BBC


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading