Macno intee le’eg ayay xanbaarsan tahay Warqada Wasiir Fiqi kasoo baxday?

Waa Warqad aad uqiimo yar oo muujinaysa sida Wasiirka Arimaha Dibada umacno yar yahay.

Hadaladiisii iyo aragtidiyadiisii ku salaysnaa wararka Baraha Bulshada,ayuu ku maareeyay Diblomaasiyadii Wasaarada Arimaha Dibada.

Erayga ah…”Hogaamiyaha Gobollada Waqooyi”…waa luuqad fadhi ku dirir oo qayb kasii qaadanaysa kala taga Ummadda Somaliyed oo aan ku haboonayn masuul Afkiis in ay kasoo baxdo.

Erayada ah…”Itoobiyaa Hub Somaliya kusoo daldalaysa”..Cida Hubka Itoobiya kasoo iibsatay,waa Dowlada Fiqi Wasiirka ka yahay ee Itoobiya Hub uma soo rarin reer CW.

Erayada ah…”CW Maleeshiyo joogta,ayaa Hubka kusoo weerartay Ciidan Dowladeed”..Waa marin habaabin ee CW ,waxay ka hor tagtay Hub Sharcidaro ah oo ay wadato Gacan Sharcidaro ah,waxayna fashilisay qorshe ahaa in lagu soo Hubeeyo Beel kale oo uu ka dhaxeeyo Loolan Daaqsin iyo Deegaamayn ah.

Dhan walba oo Warqadan laga eego,way macno yar tahay,waxayna umuuqataa mid lagu qoray Dariiq oo aan lahayn dhadhan nidaam iyo akhlaaq Diblomaasi.

 

Halkan ka akhriso:-

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading