Macno intee le’eg bay samaysay tagidii New-York Ee Farmaajo.

Wax ka badan sawiro masoo kordhin socdaalkiisii New-York Madaxweynaha haysta aqoonsiga Qaramada Midoobey.

Khudbadiisu macno uma lahayn Madaxdii kale ee kasoo qaybgashay Kulanka 74-tanaad ee Qaramada Midoobey.

Sidoo kale shacabka Somaliyed dibad iyo gudaba xiiso uma hayn daawashada khudbadiisa marka laga soo tago dhalinyaro guno lagu siiyo xayaysiinta Sawiradiisa.

Kulamo macno leh lama qaadan madaxda caalamka ee muhiimka ahayd,hadiiba ay jireen kuwo ay is arkeena kama soo bixin la kulankoodii wax la taaban karo.

Waxa ugu weyn ee uu ka faa’iday Madaxweynaha aqoonsiga Qaramada Midoobey haystaa ee Farmaajo tagida New-York waxaa lagu tilmaami karaa ismuujin iyo dhoolatus uu udiray ra’isalwasaare Khayra-ha ka marooqsaday awoodii Dowladnimo ee markii horaba taagta darnayd.

3-sano kadib doorashadisii musuqu hareeyay waa markii ugu horaysay ee uu tago New-York.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading