Madaafiic lagu garaacay xerada Xalane

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in laba ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof qandaraasle ah ay ku dhaawacmeen weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal oo lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee ku dhex taalla Xalane.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midiobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa sheegay in toddoba madfac lagu soo riday xarunta, waxaana uu sheegay in dhaawaca soo gaadhay shaqaalaha uusan ahayn mid naftooda halis ku ah.

Haysom ayaa cambaareeyey weerarkaas, waxaana uu sheegay inuu yahay mid xadgudub ku ah sharciga bani’aadminnimada ee caalamka.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan dhacay maanta.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading