Madasha Badbaado Qaran oo laga taageeray Caasimadda Puntland

Munaasabad lagu taageerayo Madasha Badbaado Qaran oo maalmo kahor looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa ka socota Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Caasimadda ayaa hal ku dhig looga dhigay “HA WAARTO HOGGAAMINTA DR. SICIID CABDULLAAHI DENI”.

Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa ku mideysan Puntland, Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi, waxaana Guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee waqtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading