Madasha Mucaaradka oo qaybsatay Ciidan iyo Hub kadib hanjabaadii Deni

Waxay qaybsadeen Ciidan iyo Hub,kadib hadalkii Madaxweyne Deni ee Shalay iyo 54-Aad.

Qaybsigu sidee udhacay?

1.Aaran-jaan,waxay soo gudbiyeen 25-Gaari iyo 300-Nin in ay heli karaan.

2.Ilmo Diyaano,waxay soo gudbiyeen 15-Gaari iyo 150-Nin in ay heli karaan.

3.Cabdi Jamaal,waxuu soo gudbiyay 16-Gaari iyo 100-Nin in uu heli karo.

4.Koox reer Mudug ah,waxay sheegeen in ay wax keenayaan,balse wax ma cayimin.

Balse culayska ugu weyn,waxuu ka haystaa Madasha Mucaaradka Dhaqaalo la’aan oo Cabdi Jamaal oo kale,waxuu ku xiray yaboohiisa in uu dhaqaale helo.

Dowlada iyo hawlgalkeeda?

1.Waxay xoojisay Kayntaroolada,Xawaaladaha,Shirkadaha Ganacsiga si Lacag aysan la socon aysan usoo gelin gudaha.

2.Waxay heegan gelisay Ciidamada Bari iyo Sanaag si loola socdo dhaqdhaqaaq Maleeshiyo oo Garowe soo aadi kara,waxayna ku dadaalaysaa in aysan isku imaan.

3.Nugaal marka laga soo tago Istaafyada Musharaxiinta,waxaa Hub iyo Ciidan kooban ku haysta duleedka Garowe Jimcaale,isagana,waxay Dowladu udiyaarisay ku dhawaad 1000-Askari oo wata 120-Gaari oo Jihooyin kala duwan ka jira.

4.Mudug Mucaarad Saxaafad ka hadla mooyee majiro Qori Mucaaradku adeegsan karo oo dhamaan Hubkii iyo Ciidankii Mudug Dowlada,ayuu u gacangalay.

Waxaa muuqata in Deni udiyaar garoobay ku diririda Kursiga.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading