Madasha Mucaaradku oo ku kala qaybsan la kulanka Madaxweyne Deni.

Kadib codsigii MW uu M.xigeenka kaga codsaday in uu wada hadal siiyo Mucaaradka,ayaa Karaash,waxa uu la xiriiray Mucaaradka Rag ka mid ah,kuwaasoo kala ahaa Guuleed iyo Diyaano.

Guuleed,waxa uu ugu jawaabay M.xigeenka..”Waa Shiraynaa kadibna,waa kugu soo warcelinaynaa Madaxweyne”.

Halka Diyaano isla markiiba ugu jawaabay…”Lama hadlayno ee ha fuliyo Go’aankii Isimada ay soo saareen”.

Shir saakay ay yeesheen Mucaaradku,waa isku fahmi waayeen sida loola fariisanayo Madaxweyne Deni,waase isku laabanayaan oo go’aan baa kasoo wada baxaya.

Qayb waxay qabtaa in Shuruudo lagu xiro la kulankiisa,waxaana Ragaas ka mid ah Diyaano iyo Xasan Shire.

Qaybta kalena,waxay qabtaa in Shuruud la’aan lala kulmo,waxaana ka mid ah Ragaas,Faarax iyo Guuleed.

MW Deni,waxa uu isku dayay markii hore in uu magacaabo Gudi Wasiiro ah oo la fariista Mucaaradka,waase laga diiday.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading