Madasha Xisbiyada Muqdisho Oo ka baxay heshiiskii Farmaajo

Madasha Xisbiyada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in uu bur-buray heshiiskii ay kula jireen Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana aysan mid kale la geli doonin.

Heshiiskaan,ayaa dhinacyadu ay gaareen 20-kii November kadib kulan Villa Somaliya ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore ee dalka, Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh oo ka wakiil ahaa Madasha.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Muqdisho, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuusan daacad ka ahayn wada-hadallada, islamarkaana uu heshiiskii hore jebiyey.

Waxyaabaha ay Madashu ku eedeysay madaxweynaha waxaa ka mid ah..“inuu sii wado inuu shacabka u diido xuquuqdooda aas-aasiga ah ee hadalka iyo dhaq-dhaqaaqa.”

Sidoo kale waxay Madaxweynaha ku eedeeyeen…

“Inuu sii wado u adeegsiga hay’adaha amniga federaalka raadinta hadafyo siyaasadeed oo hooseeya.”

Madasha Xisbiyada Muqdisho waxay kaloo ku eedeeyeen Farmaajo inuu rabshado iyo xasillooni darro aan loo baahneyn ka wado maamul goboleedyada dalka, isaga oo maal-gelinaya kacdoono ka dhan ah dowlado la doortay, sida hadalka loo dhigay.

Arrimaha doorashooyinka, ayey Madashu sheegtay in madaxweynaha uu weli sii wado taageerista qorshihiisa doorashooyinka 2020/21 ee ka baxsan dastuurka,inkastoo Madashu aysan faah-faahin waxa uu yahay qorshahaas.

Dhammaan qodobadaas ayay Madashu sheegtay inay jebinayaan heshiisyadii horey loo gaaray, ayna muujinayaan in Farmaajo uusan daacad ka ahayn xal ay wada gaaraan dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda dalka.

Madasha ayaa ugu dambeyn shuruud ka dhigtay, in si wada-hadallada dib loogu furo ay doonayaan in Farmaajo dhankiisa ka shaaciyo qodobada heshiiskii hore, islamarkaana uu fuliyo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading