Madasha Xisbiyadda Qaran oo baaq u dirtay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu Shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah DF, si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, looga gaaro go’aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay.

Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale, Madasha ayaa ku baaqday in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading