Madaxa UNDP oo gaaray Garowe kadib Mashaariicdii PL oo ……

Beesha Caalamku,way ka dhabaysay balanqaadkeedii ahaa in PL loo fasaxayo qoondada ay ku lahayd Mashaariicda horumarineed.

Madaxa UNDP oo qaybta Qaramada Midoobey ee ay taalo Mashaariicda iyo dhaqaalaheeda,ayaa soo gaaray Garowe.

Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada,ayuu kula kulmay Qasriga Madaxtooyada.

Mashaariicda oo ukala baxda kuwo Safaaraduhu toos umaalgeliyaan iyo kuwo lasoo marsiiyo hay’adaha caalamiga ah,ayay PL ku leedahay qoondo balaaran.

Inta badan Villa Somaliya,waxay Siyaasadaysaa Mashaariicda horumarineed ee caalamku ugu deeqo Somaliya,kuwaasoo Nidaam ahaan ay Saxiix ku leedahay .

Balse BC si cad ayay uga hor timid Siyaasadayntaas,waxaana toos loogu amray in Mashaariicda PL la fasaxo.

Nidaamka Country System oo hada ay hoos yimaadaan Mashaariicda intooda badan,wuxuu dhacayaa 2026 markaas ayay ubadan tahay hadaan ka hor xal wada shaqayneed oo damaanadqaad leh aan la helin in PL aysan markale qayb ka noqon.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading