Madaxa WFP oo Puntland soo gaaray

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda WFP Soomaaliya Cesar Arroyo.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo saraakiil kale waxaana looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo mashaariicda kale ee WFP Puntland ka wado sidii loo dardargelin lahaa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading