Madaxa WHO oo beeniyay eedeyntii uga timid Itoobiya

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa beeniyay eedeymo uu u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada militeriga Itoobiya kaas oo sheegay in uu TPLF ka caawiyay inay hubka.

Dr Tedros wuxuu kasoo jeedaa qowmiyadda Tigreega, wuxuu ahaa wasiirkii caafimaadka ee maamulkii TPLF.

“Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waaxaana sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda” ayuu yiri Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Tigray inay wadahadal ay kusoo afjaraan xiisadda si adeegyada caafimaadka iyo gargaarka loo gaarsiiyo shacabka.

Shaley ayay aheyd markii Taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula uu ku eedeeyay madaxa ha’yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading