Madaxda Koonfurta Soomaaliya oo ku shiraysa Dhuusamareeb

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu ka furmo caasimadda maamul gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kaas oo u dhexeeya Madaxweynaha DFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS, madaxda 4 maamul gobaleed iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Ajandaha shirka ayaa lagu sheegay amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab.

Idilnews, ayaa ogaatay in ajandaha shirka uu ugu weyn yahay ka tashiga socod siinta meelmarinta muddo kororsiga madaxda DFS iyo kuwa dawlad gobaleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ay ku sameyateen shirkii hore.

Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirka ka maqnaan doona markii afaraad, taas oo micna tiraysa kulanka madaxda Koonfurta Soomaaliya, si lamid ah shirarkii hore oo qodobadii kasoo baxay ay taageero ka waayeen Beesha caalamka.

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading