Madaxii alshabaab ee Buuraha Galgala oo la dilay

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in dukheyn diyaaradeed oo shalay gelinkii dambe ka dhacday inta u dhaxeysa Baraawe iyo Kuunyo Barow lagu dilay Sarkaal ka tirsna Al-Shabaab.
 
Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay Sarkaalka duqeynta lala beegsaday inuu madax u ahaa maleeshiyada shabaabka ah ee ka dagaalanta Buuraha Galgala.
 
Magaca Sarkaalkan ayaa waxaa lagu soo koobay Dheereeye, waxaana lala dilay Afar nin oo ilaalo u aheyd. Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarad Drone ah, waxaana ay dhacday shalay galab sida masuuliyiinta Maamulka Degmada Baraawe ay sheegeen.
 
Bashiir Maxamed Yuusuf Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Baraawe ayaa sheegay duqeynta inay ka war hayeen Maamulka Degmada Baraawe.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading