Madaxii hore Ee sirdoonka DDSI Oo Jigjiga la gaarsiiyay

Kornayl Mukhtaar Shiikh Maxamed Suubane Madaxii Sirdoonka ee maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (ina Iley) oo maalmaha ka hor lagu qabtay Hargaysa kadib wada shaqayn dhexmartay laamaha amaanka ee labada maamul,ayaa Jigjiga loosoo dhaadhiciyay.

Mukhtaar waa mid ka mid ah Ragii gaboodfalyada ka gaystay Deegaanka sida dhibka badana uciqaabi jiray Maxaabiista.

Si gaar ah waxaa loogu xasuustaa gaboodfalyadii ka dhici jiray gudaha Xabsigii caanka ahaa ee Jeel-Ogaadeen.

Qabashadiisa waxaa soo dhaweeyay bulshada Deegaanka,maamulka Somalida iyo Dowlada Dhexe ee Itoobiya.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading