Madaxii ilaalada gaarka ah ee Boqorka Sacuudiga oo la dilay

Madaxii ilaalada gaarka ah ee boqorka Saudi Arabia ayaa u dhintay rasaas ka dhalatay khilaaf shakhsiyadeed oo dhex maray isaga iyo saaxiibkiis sida lagu baahiyay Warbaahinta dowladda.

Goor sii horeysay Booliiska Sacudi Arabia ayaa qiray dhimashada Gaashaanle Sare Abdul Aziz Al-Faghm oo caan ku ahaa u dhawaanshaha Boqor Salmaan madaxna ka ahaa ilaalada gaar ah ee boqorka.

Dilka Jeneraalka waxaa geystay askari kamid ahaa ciidamadii uu taliyaha u ahaa balse warbaahinta dowladda ayaa dhacdadan ku tilmaamtay khilaaf shakhsiyadeed islamarkaana uusan ku lug laheyn wax siyaasad ah.

Baraha Bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay dhimashada Generalka waxaana shaki weyn laga muujiyay ciidamada ammaanka oo guriga uu falku ka dhacay aan sidaas uga fogeyn toogashana ku dilay qofkii dilka geystay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading