Madaxtooyada Puntland oo abaabulaysa qorshe xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntlabd,ayaa waxba kama jiraan ka dhigaysa Xeerkii ka dhigayay 44- Xildhibaan Tirada xilka ka qaadi karta Gudoomiyaha Baarlamaanka,iyadoo Tirada lagu soo celin doono 34-Xildhibaan.

Abwaan Jibril,ayaa Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka soo gaarsiiyay kuwa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,inkastoo waxkabadalkaas Sharcidarro lagu tilmaamay.

Kadib laalida Xeerkaas,waxaa Mooshin laga keeni doonaa Gudoomiye Jibril ka hor Bisha 6-aad ee Sanadka danbe.

Markaas kadib,ayaa la dooran doonaa Gudoomiye Baarlamaan Nin Madaxtooyadu wadato.

Hadafka Madaxtooyada xiligan uu fadhiyo Deni ay leedahay waa in ay mudo kororsi 2-sano ah uu usameeyo Gudoomiyahaas.

Lama saadaalin karo sida uu ku hirgeli karo damaca Madaxtooyada,iyadoo la og yahay in Gudoomiyaha Baarlamaaku ku leeyahay Xubnaha Maxkamada sare Labo Xubnood.

Abwaan Jibril,waxuu ku noqday Deni khatarta ugu weyn ee xiligan,waxuuna ku xiran yahay dhamaan Siyaasiyiinta,Ganacsatada iyo Dhaqanka diidan Deni.

Ka hor xeritaankii kalfadhiga Golaha Deni iyo Abwaan si adag ayay iskugu dhaceen,inkastoo Deni markii danbe dhaqaale ku qanciyay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading