Madaxwaynaha Ciraaq oo magacaabay Ra’iisulwasaare cusub

Madaxwaynaha Ciraaq Barham Saalix ayaa magacaabay raysul wasaare cusub oo buuxin doona booskan uu iska casilay raysul wasaarihii hore ee dalkan Cadil Cabdul Mahdi bshii Diseembar ee sanadkii 2019 ee tagay si loo so oaf meero in ka badan 2 bilood oo uusan dalkan lahayn raysul wasaare rasmi ah.

Mohammed Tawfiq Allawi ayaa loo magacaabay in uu noqdo raysul wasaaraha cusub ee dalkan inta laga gaadhayo doorasho xilligeeda laga soo hor mariyay oo dalkan lagu qaban doono.

Raysul wasaaraha cusub ayaa looga fadhiyaa in uu xukuumad cusub dalka ugu soo dhiso mudo 30 maalmood gudohood ah iyada oo ay hor taaganyihiin dibadbaxypo lagaga soo hor jeedo dawladda Curaaq oo ay shacabka dalkan dhigayeen 4tii bilood ee tagtay.

Magacaabiddan ayaa timid kadib is mariwaa ka dhex dilaacay baarlamaanka dalkan xildhibaanada ka soo jeeda axsaabta kala duwanna ay isku raaci waayeen magacaabidda hal raysul wasaare madaxwaynuhuna uu ballan qaaday in uu isagu raysul wasaare magacaabi 1da bisha Febraayo hadii uusan baarlamaanku intaa ka hor magacaabidan samaynin.

Allawi oo ah siyaasi 65 sano jir ah oo laba jeer noqday wasiirka is gaarsiinta dalkan ayaa magacaabidiisa kadib farriin muuqaal ah oo uu ku baahiyay boggiisa Twitter-ka ku ballan qaaday in uu dhisi doono xukuumad la dagaasha musuqa dalkana ka saarta culayska dhaqaale isaga oo shacabka dibadbaxayana ugu baaqay in ay sii wadaan kacdoonkooda ka dhanka ah musuqa.

Raysul wasaaraha cusub ayaa ballan qaaday in uu xilkan iska casili doono hadii ay dhinacyada isku haya siyaasadda dalka ay isku dayaan in ay ku khasbaan magacaabidda wasiirro iyaga matalaya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading