Madaxweyne Gaas Oo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Amniga

 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu magacaabay  Agaasimaha Guud ee Wasaarada  Amniga iyo  Dawladda Puntland, kadib digreeto ka soo baxday maanta Xafiskisa.
 
Digreetada Madaxweynaha ka soobaxday ayaa sidan u qorneed “February 24, 2018, Kuna Saabsan Magcaabida Agaasime Guud iyo Agaasime waaxeed Wasaaradda Amniga iyo DDR Dawladda Puntland.
 
Madaxweynaha dawladda Puntland.
 
Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
 
Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo khibradooda Shaqo.
 
Wuxuu Xeeriyay:
 
Waxaa Suleymaan Xaaji Cabdulle loo Magcaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Amniga iyo DDR
2.waxaa Maxamed Iimaan Cabdulaahi loo Magcaabay Agaasimaha Waaxda Miinno Saarka Wasaaradda Amniga iyo DDR
 
Xeerakani Wuxuu Dhaqan Gelayaa Markuu Madaxwaynuhu Saxiixo Wuuna Saxiixay Madaxwaynuhu.
 
=DHAMMAAD=

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading