Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-122 October, 18, 2017 Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Markuu Tixgeliyey:              Baahida loo qabo in la magacaabo Wasiir Ku-xigeenka                                                                     Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.

 

Wuxuu Xeeriyey:                                               

  1. Waxaa Abshir Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading