Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabey Agaasima Guud Ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Xeer Madaxweyne Lr. 59 May 13, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Guud.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa Shaqo.

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Waxaa Farxaan Cali Xirsi Loo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading