Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magcaabay Xeer Madaxweyne Lr-121 October, 15, 2017 Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) loo magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.