Muuqaal:-Madaxweynaha Fadaraalka iyo Madaxweynayaasha D.Xubnaha ka ah oo kulan uga socdo Madaxtooyada Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxtooyada Garowe uu kulan uga socdo Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Kulankan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni uu quraac isugu keenay Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Xafladii xalay ee caleema saarka Madaxweyne Saciid Deni ayaa inteeda badan looga hadlay sidii meesha looga saari lahaa khilaafka, lana isku cafin lahaa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu balan-qaaday wada shaqeyn dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka ayaa waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Hirshabeelle, iyadoo la filayo marka uu kulanka soo dhamaado in laga soo saaro war murtiyeed.

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa bishii September ee sanadkii la soo dhaafay hakiyay wada shaqeyntii ay Dowlada Dhexe la lahaayeen, waxaana taas ay keentay in khilaafka dowladda Dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah uu gaaro heerkii ugu xumaa,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading