Madaxweynaha Galmudug oo caawa gaaray Muqdisho (VIDEO)

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, ayaa caawa gaaray magaalada Muqdisho oo lagu wado inuu ka furmo Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin katirsan DFS ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweyne Qoorqoor.

Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa dib u dhac kooban ku yimid, sababo la xariira socdaal uu Dibedda ugu maqan yahay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo la filayo inuu berri kusoo laabto deegaanada Puntland, sabtidana uga sii gudbo Muqdisho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading