Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Khilaafka DFS iyo Jubbaland

Generated by IJG JPEG Library

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada gaar ahaan Jubbaland uu ka codsanaayo in ay dhameeyaan khilaafka, maadaama uu dhibaato ku yahay dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda Jabuuti ay ka qaadan doonto door muuqda sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka iyo Khilaafka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay ka xun tahay Khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland loona baahan yahay tanaasul labadda dhinac.

Dowladda Jabuuti ayaa tan iyo burburkii dowladda dhexe ee dalka waxay dedaal badan ku bixisay dib usoo kabashada Soomaaliya, iyadoo dalkaasi lagu qabtay shirar dib u heshiisiin, laguna soo dhisay dowlado dhowr ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading