Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay loolanka ay kula jiraan Kenya

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay tartanka ay kula jiraan dowladda Kenya oo ku aadan kursiga aan joogtada aheyn ee Qaramada Midoobey.

Waxaa uu shegay in labada dowladood ee Jabuuti iyo Kenya ay yihiin walaalo xiriir wanaagsan leh,isla markaan aysan dooneyn inay meel xun isla gaaraan inta lagu jiro tartan kursiga QM.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waaa uu Eedeyn kulul uu u jeediyay qaar ka mid ah wadamada Midowga Afrika oo u codeeyay in Kenya kursigaas ay ku metesho Midowga Afrika

21kii Bishii August ayaa xubnaha wadamada Midowga Afrika waxaa ay Kenya ugu codeeyeen in ay kursigaas ku matasho Qaaradda Afrika laakiin Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aanay ka tanaasulin kursigaasi islamarkaana Golaha amaanka ugu tartami doonto.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading