Madaxweynaha Jubaland oo kula kulmay Garowe safiirka Uk Ee Somaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland kula kulmay Danjiraha Dowladda Ingririiska u jooga Soomaaliyaa David William Concar.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay kaalmada ay Uk siiso Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland sidii loo xoojin lahaa iyo dagaalka Lagula jiro Argagixisada waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Danjirahu ay isla soo qaadeen Xaalada Siyaasada Soomaaliya iyo jihada ay hada ku socoto sidii jawi wanaagsan loogu soo dabaali lahaa.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka mid ah martida ka qayb gali doonta Xafladda lagu caleema saarayo Madaxweynaha Puntland taas oo la filayo in saacadaha soo socda ay ka qabsoonto magaalada Garowe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading