Madaxweynaha Jubbaland oo u duulay Nairobi

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa u amba-baxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la xariirta kulamo uu la qaadanayo xubno katirsan Beesha Caalamka oo ku sugan Magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa Magaalada Nairobi kula kulmi doona Jaaliyadda Reer Jubbaland ee kunool Kenya, gaar ahaan Waxgaradka, Ganacsatada, iyo Siyaasiyiinta, kuwaas oo uu kala hadlayo arrimo ay kamid yihiin sidii ay Jubbaland garab uga siin lahaayeen dhinacyada hormarka iyo maalgashiga iyo xoojinta midnimada Reer Jubbaland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading