Madaxweynaha Kenya oo booqasho Qaran ku jooga Maraykanka

Madaxweynaha Kenya oo uu si xushmad leh u agtaagan yahay MW Maraykanka,islamarkaana uu kusoo dhaweeyay Makarafoonka,ayaa khudbad macno leh oo uu ku faanayo Dimuqraadiyada iyo Maamul wanaaga Wadankiisu leeyahay ee ay wadaagaan Maraykanka jeediyay.

Labada MW khubado erayo soo jiidasho leh ka buuxaan oo lays xushmaynayo la muujinayo sinaan iyo iskaraamayn ayay jeediyeen.

Maraykanku,wuxuu xoojiyay saamayntiisa Afrika tan iyo intii Shiinuhu saamayn ku yeeshay Afrika.

Kenya waa Wadamada udub dhexaadka u ah wax wada qabsiga Afrika iyo Maraykanka wayna ka faa’idaysatay fursadahaas Kenya.

Booqashada MW Ruto ee M,ayaa ah mid Qaran oo si weyn loo qiimeeyay,isla markaana loo sameeyay soo dhaweyn maqaam iyo xushmad ku dheehan tahay.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading