Madaxweynaha Kenya oo ka laabtay Sharcigii Maaliyada.

Nairobi: Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhaawaqay in uu ka laabtay Sharcigii Maaliyada ee banaanbaxyada rabshadaha sababay ka dhaliyey dalka Kenya isaga oo sheegay inuu u tanaasulay shacabka Kenya.

“Dadweynuhu waxay ku adkaysanayaan baahida aan u qabo inaan sameyno tanaasulaad badan, dadku way hadleen…. Annigoo si aad ah u dhageysanaya dadka Kenya oo cod dheer ku sheegay in aysan dooneyn sharciga maaliyadda, waan aqbalay sidaas darteed ma saxiixi doono sharciga maaliyadda 2024 kadibna waa laga laaban doonaa” ayuu Madaxweyne Ruto.

22 qof ayaa shalay oo keliya ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin”.

“Waxaan diiwaan gelinay dhimashada 22 qof…waxaan qorsheyneynaa in aan bilowno baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya.

Sarkaal ka tirsan Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah sheegay in halkaas “lagu daweynayo 160 qof, oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaar kalena ay qabaan dhaawacyo rasaas”.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading