Madaxweynaha Kenya oo kala diray Golihii Wasiirada iyo Xeer ilaaliyihii

Madaxweynaha Kenya Dr William Samoei Ruto,ayaa kala diray guud ahaan Golihiisii Wasiirada marka laga reebo Madaxa Golaha Wasiirada ahna Wasiirka Arimaha Dibadda.

Waxaa isna la eryay xeer ilaaliyihii guud ee Kenya horayna usoo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Kenya.

Somalida Kenya ayay ubadan tahay in isbadalkan uu saameeyo oo ay ku lumiyaan Boosas door ah oo ay haysteen,sida

1.Wasiirka Gaashaandhiga.

2.Madaxa Sirdoonka.

3.Hogaanka Danbi baarista.

Talaabadan,ayaa ka dambeysay kadib markii Kenya ay hareeyeen dibadbaxyo aan kala joogsi lahayn oo Dowladda looga soo horjeedo.

Madaxweyne Ruto,ayaa la tacaalaya xaalada culus ee ay Kenya gashay,waxayna xogo hoose sheegayaan in ay jirto Gacan Sadexaad oo Shisheeye oo riixaysa Mudaaharaadyadan aan kala joogsiga lahayn.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading