Madaxweynaha Kenya oo su’aal laga waydiiyay Ciidamada Haiti uu udirayo

Madaxweyne Ruto,waxaa la waydiiyay,iyadoo baahi amni ka jirto Gobol ka mid ah Kenya oo baqdin daraadeed la aadi waayay Iskuulada Deegaankaas,sababta Kenya ugu dirayso Ciidan Amaan Haiti oo aad uga fog.

Ruto si degan oo isku kalsoonaan ka muuqato kuna salaysan xog ogaalnimo,ayuu ufaahfaahiyay jawaabta su’aashaas,wuxuu tilmaamay in Gobolkaas laga hawlgalay loona diray Ciidamo Boolis iyo Mileteri ah oo gaaraya 5000 xaaladana Gacanta lagu dhigay.

Dirista Booliska Kenya ee Haiti,ayuu Ruto ku sifeeyay masuuliyad ka saaran amniga caalamka iyo bini’aadantinimada,isagoo tusaale usoo qaatay Ciidamada ka jooga Somaliya iyo Congo.

Dimuqraadiyada Kenya,waxay gaarsiisan tahay Aqalka Cad iyo Biden hortiisa in laysku waydiiyo dhaliilaha,baahiyaha iyo danaha gudaha Wadankooda ka jira.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading