Madaxweynaha Maraykanka oo Israa’iil ka hor istaagay Hub

Madaxweyne Biden,ayaa habeenimadii Arbacadii, xilli uu waraysi siinayey Telefiishanka CNN,wuxuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono in Israa’iil uu siiyo hubka difaaca, sida rasaasta Iron Dome.

Waxa kaloo Biden caddeeyey in Israa’iil, haddii ay ku sii adkaysato in ay gasho Rafax, inaanu siin doonin Hubkii ay hore u siin jirtay, si ay ugu isticmaalaan weerarkooda.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan,ayaa tallaabada uu qaaday Madaxweyne Biden ku tilmaamay in ay tahay mid adag oo aad looga xumaado, in ay ka soo yeero, Madaxweyne aan abaal u haynay, tan iyo bilawgii dagaalka.

Wasiirka amniga Qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir oo ah shakhsi si weyn ugu janjeedha midigta-fog, ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku sheegay in “Xamaas ay jeceshahay Biden”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading