Madaxweynaha Maraykanka oo shaaciyay qorshe lagu joojinayo dagaalka Qasa

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa ku boorriyay Xamaas inay aqbasho hindisaha cusub ee Israa’iil ee lagu soo afjarayo colaadda Qasa, isagoo sheegay in la gaaray waqtigii dagaalkan uu dhamaan lahaa.

Hindisahan oo ka kooban saddex qaybood ayaa ku bilaaban doona xabbad joojin lix toddobaad ah oo ay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) uga baxayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Qasa.

Waxaa sidoo kale jiri doona “kor u kaca” gargaarka bini’aadannimo, iyo sidoo kale in la isku beddesho sii deynta qaar ka mid ah la haystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta.

Heshiisku wuxuu ugu dambeyntii horseedi doonaa “joojin colaadeed” oo oogto ah iyo qorshe dib loogu dhisaya Gaza.

Xamaas waxay sheegtay inay u aragto hindisaha mid wanaagsan.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad Jimcihii, Mr Biden ayaa sheegay in wejiga koowaad ee qorshaha la soo jeediyay ay ka mid yihiin “Xabad joojin buuxda oo dhameystiran”, ka bixitaanka ciidamada IDF ee meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo in lahaystayaasha lagu beddesho maxaabiista Falastiiniyiinta.

“Runtii waxa la jooga waqti muhiim ah oo go’aan qaadasho leh,” ayuu yiri. “Xamaas waxay sheegtay inay doonayso xabbad joojin, heshiiskani uu yahay fursad lagu caddaynayo in heshiisku uu yahay mid dhab ah.”

Biden ayaa sheegay in xabbad-joojinta, ay oggolaanayso in gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah la gaarsiiyo dhulka go’doonsan, iyadoo “600 oo baabuur oo xamuul ah oo gargaar ah la geynayo Gaza maalin kasta”.

Wajiga labaad waxaa dib loo soo celin doonaa la haystayaasha nool oo dhan, oo ay ku jiraan askarta lahaysto. Xabad-joojintu waxay markaas noqonaysaa “in dagaalka loo joojiyo si joogto.”

Dadka Xamaas ku boorriyay inay oggolaadaan hindisahan waxaa ka mid ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK David Cameron.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading