Madaxweynaha Maraykanka oo uga digay Iran weerar ay ku qaado ISraa’iil

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa taageero u muujiyey Isra’il, xilli ay wajaheyso cabsi kaga imaaneysa Iran oo laga yaabo in ay weerar aargudasho ah ugeysato.

Biden,ayaa sheegay in Iran qorshreyneyso weerar ballaaran oo Israa’iil ka dhan ah, kaas oo ay uga dabaaqeyso duqeyn 10-Casho ka hor loo geystey Qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq oo ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ka tiran Ilaalada Kacaaanka Iran.

Madaxweyne Biden oo Iran ku dhego-hadlaya,ayaa ballanqaaday in Mareykanku uu sameynayo wax kasta oo ku ilaalin karo amniga Israa’iil, wuxuuna dhanka kale uga digey Iran tallaabo kasta oo halis gelin karta ammaanka Israa’iil.

Hadalka Madxweynaha Mareykanka,ayaa u muuqda mid jawaab u ah hanjabaad uu dhawaan Israa’iil u jeediyey hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamayn oo ku gooddiyey in Israa’iil ay eedi doonto falka ay ku weerareenm Qunsuliyaddooda Suuriya.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading