Madaxweynaha Masar oo si adag uga hor yimid isfahanka SL iyo Itoobiya

“Masar ma ogolaan doonto wax khatar ku ah Somaliya iyo amnigeeda,hadii ay noo baahdaana waan tagaynaa”Ayuu yiri Sisi.

Si cad waxa uu uga hor yimid isfahankii Somaliland iyo Itoobiya oo ku tilmaamay xadgudub Qaranimada iyo Madaxbanaanida Somaliya.

Masar marka laga soo tago Walaalnimada ay umuujinayso Somaliya,waxaa udheer loolan ay kula jirto Itoobiya oo ugu horeeyo Biyaha Wabiga Niil.

Sidoo kale Baabul Mandab oo Itoobiya ay timaado,waxay u aragtaa khatar weyn oo Istiraatijayadeed oo iyada ka dhan ah.

Lughaya,waxaa lagu tilmaamaa Albaabka Baabul Mandab in ay tahay sidaa daraadeed Masar ma aqbalayso in Itoobiya timaado halkaas,waxayna ka xigtaa dagaal toos ah oo ay la gasho Itoobiya.

Somaliya fursadahaas,waxay uga faa’idaysan kartaa in ay hesho awood ka taageerta ka hortaga damaca Itoobiya.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading