MADAXWEYNAHA OO DAAH-FURAY SHIRWEYNAHA DHALLINYARADA PUNTLAND.

Garoowe: 16 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dhallinyarada Puntland oo labo maalmood ka soconaya Garoowe.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Shirwayanaha Dhallinyarada Puntland, oo ah fursad dhallinyaradu arrimahooda gaarka ah ku gorfeynayaan, wuxuuna u rajeeyay in uu noqdo mid ay wax wanaagsan kasoo baxaan.

Dowladda Puntland oo ka duulaysa siyaasadda Madaxweynaha ee fursadsiinta Dhallinyarada Puntland ee uu hore u ballan qaaday, waxaa Dowladdu hirgelisay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo dhallinyarada siinaya fursad-siyaasadeed oo aysan hore u haysan, Dowladda oo 69% Dhallinyaro tahay , Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Puntland oo la sameeyay iyo sidoo kale horumarinta Ciyaaraha iyo Garoomada Kubadda cagta Puntland.

Shirwaynaha ayaa lagu soo bandhigay hal-abuurka qaar ka mid ah Dhallinyarada Puntland, oo sameeyay Gawaari, Adeegyo danabeysan iyo agab kala duwan, waxaana lagu dhiirrigeliyay dadaalkooda iyo hal-abuurkooda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhallinyarada Puntland ugu baaqay ka shaqeynta midnimada, nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo Ku dhawaaqay halku dhigga cusub ee ah Midnimo iyo Nabad.

Kulanka waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kala qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Ururada Bulshada, Dhallinyarada Puntland oo isaga yimi dhammaan Gobollada iyo marti Sharaf kale .

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading