MADAXWEYNAHA OO FURAY KALFADHIGA 53-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND.

Garoowe: 25 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 53-Aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah uga hadlay Waxqabadka Dowladda ee Amniga, Horumarka, Guulaha laga gaaray Dimuqraadiyadda, qorshaha dhameystirka Doorashooyinka Puntland, Guulaha laga gaaray Gobolka Sool, garab istaaga SSCKhaatumo iyo khaladaadka Dastuuriga ay ku kacayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Guddiga Doorashooyinka PEC, Culimada, Ururada Bulshada, Aqoonyahanka, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Taliska Booliska Puntland, Haweenka iyo dhallinyarada Puntland.

 

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading