MADAXWEYNAHA OO FURAY SHIRWEYNAHA 2-AAD ARRIMAHA DIINTA IYO NABADEYNTA.

Garowe : 29 November 2023 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha sanadlaha ah ee Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey qodobada ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nabadgelyada, xoojinta doorka haweenka ee arrimaha diinta iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo kale ah.

Culimaa’udiinka Munaasabadda ka hadlay waxay ku tilmaameen kulamada noocan oo kale ah kuwo baahi weyn loo qabay, laguna horumarin karo wacygelinta bulshada, Waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen wadashaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading