Garowe:-Golaha cusub Ee Wasiirada Puntland oo la dhaariyay

Garoowe: 10 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubnaha Wasiir Ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub ee Dowladda Puntland, oo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.

WASIIR KU-XIGEENNADA.

1. Waxaa Maryan Cismaan Axmed (Fangase) loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Waxaa Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR.

3. Waxaa Cabdiraxmaan Khaliif Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

4. Waxaa Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda.

5. Waxaa Axmed Maxamed Bulxan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Dekhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

6. Waxaa Cabduqaadir Maxamed Gaylan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

7. Waxaa Faarax Cali Cabdi loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

8. Waxaa Cabdirashiid Sheikh Cali (Dhagasayn) loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

9. Waxaa Siciido Xuseen Cali loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

10. Waxaa Yacquub Maxamed Caddala loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska.

11. Waxaa Cabdikariin Maxamed Xasan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

12. Waxaa Dr. Axmed Cartan Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

13. Waxaa Ayuub Cali Axmed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada.

14. Waxaa Maxamuud Maxamed Cali (gabax) loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda

15. Waxaa Faarax Jaamac Boos loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

16. Waxaa Siciid Salaad Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.

17. Waxaa Axmed Siciid Qaloombi loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

18. Waxaa Faa’isa Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

WASIIRU DOWLEYAASHA:

1. Waxaa Cabddul Cali Warasme loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Waxaa Kayse Cabdi Yuusuf loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR.

3. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacayns Dhedo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

4. Waxaa Cabdisalaan Cali Faarax (Biligsay) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

5. Waxaa Axmed Sheikh Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka.

6. Waxaa Maxamed Siciid Xasan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

7. Waxaa Siciid Maxamed Warsame Awaare loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

8. Waxaa Cabdinaasir Axmed Aadan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

9. Waxaa Siciid Maxamed Raage loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda

10. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.

11. Waxaa Cabduqaadir Jaamac Cali Afrax loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

12. Waxaa Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading