Madaxweynaha Oo Guddoomiyey Shirka Puntland Iyo Wakiillada Beesha Caalamka Iyo Deeqbixiyeyaasha

Nayroobi, 20 Agoosto 2024 — Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Dowladda Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha oo maanta ku qabsoomay Nayroobi.

Wakiillada beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay Shirka ayaa kala ah: Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Kanada, Jarmalka, Ingiriiska, Iswiidhen , Hollan, Fiinlaan, Denmaak, Noorway , Iswiiserlaan, Faransiiska, USAID, World Bank iyo African Development Bank.

Dowladda Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka, horumarka ka socda Puntland gaar ahaan Amniga,  horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo Haweenka.

Sidoo kale Dowladda Puntland waxay beesha caalamka kala hadashay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha iyo in la hubiyo in deeqaha Beesha Caalamku ay si siman u gaaraan dadka loogu talagalay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading